Xisbiga Samu Oo Bayaan Maanta Soo Saaray

HORDHAC.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 14/10/2019 ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Sinnaanta  amaanka iyo midnmo u ololeynta SAMU waxaa kulan isugu yimid  Mas’uuliyiinta Qaybaha kala gedisan ee Xisbiga SAMU, kulankaas oo loogu baroor diiqayay Masiibadii ka dhacday Is Goyska Sobe 14koo Oktobar 20017, laguna Gorfeeyay Xaaladda Guud ee Dalka iyo Xaaladaha Siyaasadeed ee Dalka ka jira, falanqayb dheer kaddib wuxuu Xisbiga soo saaray War Murtiyedkan:

WAR-MURTIYEED.

  • Xisbiga SAMU, markii uu arkay daan daansiga iyo Xad gudubyada Bareerka ah ee Dalka Kiinya ku wado Badda, Hawada, Berriga iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu Xisbiga SAMU Cambaaraynayaa ,ugana Digayaa Falkaas Foosha Xun ee fara gelinta ah ay Dawladda Kiinya ku hayso Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana waantowdo.
  • Xisbiga SAMU markii uu arkay is faham la’aanta SAiyaasadeed ee Dalka ka jirta, Xisbiga SAMU isagoo aaminsan in fikirka lagu kala duwanaan karo, taasoo ah tan dhalisay in Axsaab Siyaasadeed Dalka ka abuurmaan ayaa Xisbiga SAMU wuxuu mar walba ka soo hor jeedaa cid kasto wadata Fikirka iyo ficilada dhalinaya Bur-burka am aka hor imaanaya jiritaanka Qaranimada Dalka iyo Nabad ku wada Noolaanshaha Shacabka Soomaaliyeed.
  • Xisbiga SAMU, markuu u kuur galay hadal Suuqeedka tilmaamaya inaysan doorasho Dalka ka dhici Karin waqtigii loo qoondeeyay ayaa Xisbiga SAMU halkan ka caddeynayaa inuusan raali ka noqon doonin dib u dhaca Doorashada 2020ka.
  • Sidaa darted Xisbiga SAMU wuxuu Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka, Xukuumadda Federaalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan xaqiijinta inay dalka ka qabsoonto Doorasho Xor iyo Xalaal ah, kuna qabsoonto Waqtigii loogu tala galay ee 2020.
  • Ugu danbayn Xisbiga SAMU wuxuu dhammaan Siyaasiinta Dalka, Mucaarad iyo Muxaafadbadareensinayaa in ay Muqaddas tahay ilaalinta iyo dhowrista Qaranimada, Midnimada, Karaamada, Sharafta, Haybadda iyo Xudduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Wa Billaahi Towfiiq”        

                                               Guddoomiyaha Xisbiga SAMU

                                              -Ugaas Aweys Sh. Xusen Huneero