Xiliga uu dhici doono caleema saarka madaxweynaha jubbaland oo la shaaciyay

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu dhici doona marka ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo wariyeyaasha u sheegay in caleema saarka uu qabsoomi doono marka ay dhammaan wafuuda ay yimaadaan Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay cadaadiska faraha badan ee ay dowladda federaalka ku  heyso Jubbaland in ay ka dhalan karto kacdoon shacab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imaayana xili uu markii labaad dib udhac ku yimid Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iskiis isku magacaabay ee Axmed Madoobe