Wasiirka waxbarashada oo mas’uuliyiin kulamo kula leh magaalada Paris

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska kulan kula qaatay lataliyaha boqorka Sucuudiga Dr.Abdalla A.Al Rabeeh waxayna ka wada hadleen tayaynta arimaha waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo howlo shaqo ku jooga dalka Faransiiska gaar ahaan Caasimada dalkaas magaalada Paris ayaa kulamo kala duwan wuxuu la qaadanayaa mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan qaar ka mid ah wadamada caalamka.

“Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqor Salman (King Salman Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya. Waxaan ku martiqaaday in uu ziyaaro noogu yimaado Soomaliya taasoo uu aqbalay”ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wuxuu dadaal dheer ugu jiraa sidii sare ugu qaadi lahaa howlaha waxbarasho ee Soomaaliya ka dib markii bur burkii Soomaaliya ka dhacay uu raacay Manhajkii waxbarashada Soomaaliya.