Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Xabsiga Mandheera loo wareejiyay

Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii labaad Xabsiga Mandheera u qaaday Saxafi ahna samafale Abdimalik Musa Coldoon.

Wariye Coldoon ayay Booliska gobalka Togdheer kasoo qabteen magaalada Burco bishii 4aad (April) ee sanadkan Kadib markii ay maamulka Somaliland ay ku eedeeyeen in uu ka hadlay arimo ka jira schoolka abaarso ee ku yaala magaalada hargeysa kuna xukumeen xarig dhan sanno iyo bar (3.5)

Isbuucan guduhiisa ayay aheed markii ay Diideen Ciidanka Asluubta Somaliland in la booqdo Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Ku Xiran Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

Amarka diidmada ayaa ka soo baxay taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sarreeye guuto Axmed cawaale yuusuf  (libaax)

22kii julaay 2019ka ayaa coldoon loo wareejiyay xabsiga mandheera, waxaana markas la diiday inay arkaan qoyskiisa gaar ahaan hooyadii

Sharciqaanno iyo qareenadiisa ayaa ku tilmaamay sharci-darro soo qabashadiisii hore, soo wareejintiisii Hargaysa, xukunkiisii koowaad, u wareejintii koowaad ee jeelka Mandheera, xukunkii labaad ee qarsoodiga ahaa, wareejintan labaad ee Mandheera iyo arrimo badan oo kale oo kiiskiisa ku Aadan.