Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaal khasaaro Gaystay oo ka Dhacay Xarunta Baarlamanka Maamulka Puntland

Xili masuuliyinta Maamulka puntland uu muran badan uu udhaxeeyo ayaa Waxa uu Dagaal ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee puntland.dagaalka ayaa waxa uu udhaxeeyay ciidamo laga soo diray madaxtooyada maamulka puntland iyo ciimado horay ujoogay xarunta baarlamaanka.

Dagaaalkaas ayaa waxa uu socday ku dhawaad 6 saacadood iyadoona  inta laxaqiijiyay  dagaalkaas  ay ku dhinteen  10 ruux oo uu kamid ahaa mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada Hay,ada socdaalka iyo jinsiyadaha.