War Degdag ah: Dowlada Soomaaliya oo ka Hortimid Jaamacada Carabta

Dowlada Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka hortimid Qorshe ay Jaamacada Carabta wadatay taasoo ah Canbaareyn ka dhan ah Dalka Turkiga.

Jaamacada Carabta ayaa canbaareysay Dagaalka Turkiga uu ku qaaday Jabhada Kurdiyiinta ee heysata qeybo kamida Dalka Suuriya.

Go’aanka ay Dowlada Soomaaliya ku garab istaagtay Dowlada Turkiga iyo Shacabkeeda ayaa muujinaya si ay Soomaaliya abaalka ugu heyso Wadanka Turkiga oo usoo gurmaday xili abaar ba’an ay saameysa Soomaalida.