Waa Sidee Xaalada Siyaasadeed Ee Magaalada Dhuusameeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee baryihii dambe ka jiray xalad cabsi oo ka dhalatay dhaq dhaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeday alhu sunna iyo dowlada federaalka soomaaliya ayaa waxaa laga soo sheegaayaa in maanta ay tahay mid aad udagan.

Dadka deeganka oo Idaacada Danan la hadlay ayaa sheegay  in maanta magalada ay tahay mid yara dagan,balse mar walba la filan karo xiisad dagaal kadib markii ay magaalada ay soo buux dhaafiyeen ciidanka ay dhawaan geesan dowlada federaalka soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Bilowgii isbuucan waxa ay Magaalada dhuusamreeb ee xarunta gobolka Galmudug ay Geyssay in ka badan 100-askari,kuwaasi oo qaarkood guduha u galay Magaaladas.