Shirweyne dhowr qodob looga hadlayo oo ka furmay Jigjiga

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa maanta wuxuu magaalada Jigjiga ka furay shir caalami ah oo lagaga hadlayo arimaha isbedelka Cimilada iyo Xoolo dhaqatada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Shirkan uu Jigjiga ka furay Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa lagu casuumay khubaro dhinaca Cilmiga Cimilada ku xeel dheer sida warkan nagu soo gaaray uu sheegayo sidoo kale waxaa lagu casuumay Xoola dhaqatada ku nool miiga iyo magaalooyinka Ismaamulka Soomaali State.

Madaxweynaha Soomali State Mustafe Muxumed Cumar oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayaa ka qayb geliyaasha shirka wuxuu usheegay in muhiimad weyn ugu fadhiyo shirkan bulshada ku nool guud ahaan dhulka Soomaali State maadaama waxa looga hadlayo ay yihiin xagga cilmiga Cimada.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale ka qayb geliyaasha shirkan ku booriyay inay ka faa,iidaystaan Khubarada lagu casuumay shirka iyo Cilmiga halkan ay ka jeedin doonaan sidoo kale ra’yigooda ku biiriyaan shirka kaliya aanay noqon ka qayb geliyaal.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaali State ayaa hadda waxaa ku qulqulaya dhamaan marti sharaftii shirkaas Jigjiga lagu casuumay iyadoo warar aan ka helnay magaalada Jigjiga ay sheegayaan in shirkan uu socon doono muddo todobaad ah.