Sawiro laga Xumahay Xiliga lasoo Bandhigay oo ay Villa Soomaaliya ka hadashay.

Labo gaari oo lagu soo xardhay Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Rw Kheyre ayaa saakay lasoo dhigay Bartii uu qaraxa ka dhacay labo sano kahor ayna ku geeriyoodeen in ka badan shan boqol oo qof.

Baraha bulshada waxaa aad looga hadlay sawiradaa iyo xiliga lagu soo beegay iyadoo loo murugoonayo Dadkii Masiibadaa ku xijaabtay iyadoo Dadka badi ay uga xumaadeen.

Hadaba Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur ayaa arintaasi kaga soo hadlay barta uu Facebook kuleeyahay isagoo arinta sawirada madaxda ee Baabuurta lagu soo xardhay ku tilmaamay dhaqan duugoobay.

Hoos ka aqri qoraalka Agaasimaha

Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.