Sarkaal ka tirsanaa Al shabaab Oo isa soo dhiibay

Cabdala  naasirey  maxamed waxa uu kamid ahaa dagaalyahanada alshabaab ee ka howlgali jiray Deegaanada gobolka gedo waxa uuna maanta isku soo dhiibay taliska Guutada 10-aad ee ciidamada xooga dalka ee gobolka gedo gaar ahaan saldhiga magaalada garbahaarey

Cabdlla naasirey ayaa kamid ahaan jiray Al shabaabka ka howlgala Deeganada  Gobolka Gedo isagoona Go’aansaday in uu iskaga soo baxo kooxda al shabaab

Mudooyinka danbe ayaa waxaa soo badanayey al shabaabka isku soo dhiibaya dowlada Soomaaliya iyadoo  Dhawaan ay dowlada sheegtay Cid alaala Cidii Iskaga so baxda Al shabab in Ay Cafis siiin doonto