Saraakiisha ciidamada maamulka jubaland oo guulo ka sheegtay howlgallo ay sameeyeen

Wararka naga soo gaaraya deegaaanka Cabbdala biroole oo qiyaastii 55-km ujira Magaaladda kismaayo aya sheegaya in halkaas ay ciidamada daraawiishta maamulka jubaland ka sameeyeen howlgallo

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa sheegay intii howlgalka uu socday in ay guulo ka gaareen ayna dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil

Khiyaar cabdi maxamed oo ah Abaanduulaha guutada 1-aad ee ciidamada daraawiishta jubaland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Cabdalla boroole ay ku dileen ku dhawaad 20-xubnood oo katirsan dagaalyahanada alshabaab

Abaanduulaha waxa uu xusay in deegaanka cabdala biroole iyo deegaano kale ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka jubaland isagoona ka gaabsaday khasaaraha kasoo gaaray howlgalka ay sameeyeen

Ugu danbeen alshaab ma aysan ka hadlin howlgalka ciidamada jubaland ay ka sameeyeen deegaanka Cabdala biroole oo ay guulo ka sheegteen saraakiisha maamulka jubaland