Rashafal Golaha Wasiirada ah oo soo socda iyo Wasiiro ay seeftu qaadidoonto.

Laga bilaabo maanta ayaa la filan karaa Isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada DF iyadoo wasiirada qaar ay toos uweyn doonaan xilalkooda.

Wararka ay heleyso Warbaahinta Danan ayaa sheegaya Wasiirada Xilalka weynaya ay u badan yihiin Wasiiradii loo diray Punland kuwaas oo iyagoo faramaran kasoo laabtay iyagoo kusoo guul dareystay in ay hakiyaan Madaxweynaha Puntland Saciid Dani tagistiisa Kismaayo, sida wasiirka Arimaha dibada iyo wasiirka Qorsheynta.

Wasiiro kale ayaa la hadal hayaa in ay ka mid noqdaan kuwa xilalka weynaya waxaase la fileyn in xilka laga qaado Wasiirka Amniga Ducaale oo ay saaxiib aad isugu dhowyihiin RW Xasan Cali kheyre inkastoo la sheegay in Madaxweynaha uusan la dhacsaneyn.

Seefta Wasiirada qaar xilka looga qaadayo ayaa wararku sheegayaan in ay ka socoto dhanka Madaxweynaha kaasoo lafilayo in uu Maalinta soo gaaro Magaalada Muqdisho.
Info@radiodanan.com