Qarax khasaaro weyn ugaystay Ciidamada Kenya oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Kolonyo gawaarida Ciidamada AMISOM qaybta ka socota dalka Kenya ayaa maanta waxaa qarax miinada dhulka lagu aaso ah kula qaraxday xadka kala qeebiya Soomaaliya iyo Kenya waxaana Ciidamadaasi soo gaaray dhimasho iyo dhaawac farabadan sida wararka aagaasi ka jira ay ku helayo warbaahinta Danan ee Magaalada Muqdisho .

Ugu yaraan 14 askari oo ka mid ah Ciidamada AMISOM qaybta ka socota Kenya ayaa ku dhintay qaraxa halka 18 kale dhaawacyo ay soo gareen ka dib markii mid ka mid ah gawaarida Ciidamada ay la kacday Miinada ka dibna gabi ahaamba uu bur buray gaarigii miinada haleeshay.

Ciidamadan maanta lakulmay qaraxa miinada ah ee qaarna ku dhintay qaarna dhaawacyada culus ay soo gaareeen ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin Ciidamada Militariga Kenya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah utababaran ee loo yaqaano GSU.

Madaxa booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamo boolis ah la gayn doono goobtii lagu weerraray ciidamadan ka tirsan booliska Kenya ee u tababaran sida milateriga oo kale.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 14 askari isagoo ciidamada amaanka faray inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi Ciidamadiisa lagu laayay,Kenya waxaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya waxayna ciidamadaasi qayb ka yihiin kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarkan oo la aaminsan yahay inay geysteen kooxda Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa mudooyinkan dambe ee loo geysto Ciidamada Kenya.