Puntland oo heshiis la gashay dowlada Masar

Dowlad goboleedka Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca waxbarashada ee maamulkaasi.

Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi ayaa Xafiiskiisa Magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdi la socday oo booqasho ku jooga dalkaas.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Masar, sidii Maamulka Puntland looga gacan siin lahaa arrimaha la xiriira dhanka Waxbarashada.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Masar iyo kan Puntland ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca Waxbarashada, iyagoona labada Mas’uul ku heshiiyay in Masar dhowr Iskuul oo Waxbarasho ah ay ka furto deegaanada Puntland, isla markaana ay wax ka dhigi doonaan Macalimiin Masaari ah.

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka puntland.