Nabadoon ka mid ahaa Ergadii Soo Xushay Xildhibaanada Qaranka oo La Dilay

Kooxo ku Hubeysan bastoolado ayaa xaafadda 21oct ee degmada afgooye waxaa ay ku dileen nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim “labane” oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka degmada afgooye.

Waxaa uu nabadoonku kamid ahaa ergadii soo dooratey xilibaanada baarlamaanka soomaaliya ku matala KGS.

Ragii falkan dilka ah geestay ayaa goobta ka baxsaday.

Dhanka kale ciidamada Booliiska ayaa howlgalo kawada goobta uu dilka kadhacay.