Midowga Yurub oo kahadashay xasuuq sanado kahor kadhacay Soomaaliya

Nicolas Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay si aada uga hadlay Musiibadii 14-kii October sanadkii 2017-kii kadhacday Isgoyska 14ka October ee horay loogu yaqiinay Zooboe.

Nicolas ayaa sheegay in wixii dhacay aya ahaayeen Musiibo qaran islamarkaana ay aad uga naxeen waxa uusheegay in ay noqon karto xasuuqii ugu waynaa ee afuunka kadhacay sida ay taariikhda qortay.

Nicolas ayaa utacsiyeeya ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeroyooday qaraxaasi waxa uu sidoo kale sheegay in loobaahanyahay in lagarab istaago isaga oo sidoo kale rajeeyay in Soomaaliya ay kasoo kabsato xasuuqaasi.

Midowga Yurub ayaa si wayn ula shaqeeyo una taageero Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana Magaalada Muqdisho kuyaalo safaarado badan oo ay leeyihiin dalal badan oo katirsan Ururka Midowga Yurub.

 

W/Q:- ALIFOOW YARE.