Maxkamada ICC oo Xukun kuriday madaxii falaagada Jamhuuriyad demuqaraadiga kongo

 Maxkamada icc ayaa 30 sano oo xarig ah ku xukuntay Ntaganda oo madax u ahaa falaago tacdiyo badan ka Geysatay Jamhuuriyad demuqaraadiga kongo .Ntaganda oo loo yaqiinay “joojiye” ayaa qirtay dhamaan dambiyadii  loo haystay.

Ninkaan ayaa waxa uu ka geystay xaasuq , dil iyo kufsi  Gobalka macdanta qaniga ku ah ee Ituri waxaa Sidoo kale lagu helay 13 danbiyo dagaal iyo tacdiyo xuquuqda Aadanaha lidi ku ah “waxa hada kudhacaya Ntaganda waa inay cabsi galin iyo tusaale u noqota dadka donaya inay tuulooyinka nagu Argagixiyaan” waxaa  sidaas Yiri mid kamid ah  dadkii kabadbaday  tacadiyadii  Ntaganda.

Xukunkaan ayaa noqonayaa midkii ugu dheeraa  ee Abid ay Xukmiso maxkamada ICC. in kabadan 60,000 oo qof ayaa lagudilay  ila iyo intii ay kaqarxeen  Rabshadaha  Gobolka ituri sanadkii 1999.