Masuuliyiin Dil loo Heesta oo Maanta kasoo Hor muuqday maxkamada Ciidamada Qalabka Sida

Gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi iyo Shaqsi  kale oo lagu Magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta waxa ay kasoo hor muuqdeen Maxkamada ciidamada qalabka sida ee soomaaliya labadaan shaqsi ayaa waxaa loo heestaa Qarax uu ku dhintay Gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasada ee degmada maxaas Cabdi rashiid cusmaan.

Qaraxa uu ku dhintay godoomiye ku xigeenkii Hore ee degmada maxaas ayaa waxa uu dhacay 19-bishii  Apriil 2019  maxkamada ayaa dhagestay eedeemaha loo heesto shaqsiyaadkaan waxaana dhinacyada eedama  uheesta masuuliyiintaan ay soo jeediyeen in ay ku lug leeyiin dilkii gudoomiye ku xigeenkii degmada maxaas.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay Eedamaha loo Heesta labadaan Shaqsi.