Magaalada Kismaayo oo laga dareemayo Lacag xoogan oo soo gashay.

Axmed Madoobe  ayaa la sheegayaa in uu ka baxay dhaqaalo yari heysatay todobaadyadan ugana timid kadib markii ay is qabteen Dowlada dhexe taasoo culeysyo kala duwan saartay.

Lacagta soo gaartay ayaa la sheegay in lagu waday Diyaaradii ay ku yimaadeen Shariif Xasan iyo Cabdikariin Guuleed iyadoo la sheegayo in lacagtaa ay ka timid Dalka Imaaraadka Carabta.

Lama hayo tirada Lacagta soo gaartay Kismaayo waxaase laga dareemayaa in Madaxweynihii hore ee Jubaland Axmed Madoobe arima badan oo hortaagnaa uu qaar kamida isaga fududeeyey.