Madaxweyne Xaaf oo markale diyaar u ah in uu u tartamo Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in uu ka laabtay wakaalashadi Wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka ee arimaha doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha uu u wakiishay arimaha doorashooyinka aysan la imaan waxqabad muuqda oo lagu qanci karo oo dhinaca geedi socodka doorashooyinka .

Madaxweyne Xaaf ayaa cadeeyay in uu hada kadib shaqasiisa qabsan doono uuna si deg deg ah usoo magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arimaha doorashooyinka sida guddiga qaban qaabada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa niyad jab ku abuuraya dowlada federaalka Soomaaliya oo iyadu waday howsha dib u dhiska Galmudugta cusub sidoo kale ku mashquulsaneyd dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.