Madaxweyanaha Galmudug Axmed Dulaale Geele “Xaaf” Oo Taageeray Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa Soo dhaweeyay Magacaabidda Guddiga Farsamada Dhismaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiskiisa ayuu ku sheegay in uu la shaqayn doono Guddigan Oo ay Magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya

Soo dhaweyntaan ayaa imaaneysa Xili Habeenkii Xalay ahaa Ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Magacaawday Guddi Ka kooban 13 Xubnood oo Matalaya Beelaha Dega Galmudug