Liverpool Vs Leicester City- Liverpool Oo Aan Guuldaro Kala Kulmin Leicester City

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Leicester City Kulankoodii ugu dambeeyay ee ka Hor Fasaxa xulalka kulan ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka premier League iyo waliba in ay gaadho guusheedii 8-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale kooxda Leicester City oo hal dhibic kala baxday Anfield xilli ciyaareedkii hore ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u noqon lahayd kooxdii ugu horaysay ee dhulka dhigta ama dhibco ka heshay Liverpool premier League xilli ciyaareedkan.

Hordhaca: Liverpool Vs Leicester City

Saacada: 05:00

Garoonka: Anfield