Labo Sawir oo Saameyn Siyaasadeed yeeshay.

Maalmo kahor waxaa geeriyooday Walalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele Marxuum Sacad Cumar Geele.

Hadaba Baraha bulshada waxaa soogalay sawir Tacsiya oo ay ka muuqdaan Raiisulwasaare kuxigeenka DF Mahdi Guuleed,Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide, Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele iyo Madaxkale oo Soomaaliyeed kuwaa oo u duceynaya Marxuumka.

Halka sawirka kale oo isla shalay la qaaday ay ka muuqdaan labo Madaxweyne o kala ah Shiikh Shariif, Xasan Shiikh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Cabdikariin Guuleed,Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo wada qoslaya una dabaal dagaya in ay Kismaayo ku kulmeen.
Labadan sawir ayaa laga bixiyey aragtiyo kala gadisan iyadoo hogaamiyayaasha Kismaayo gaaray ay ku jiraan labo masuul oo Madaxweyne soo noqday.

Madaxweynaha Jabuuti ee tacsida u taal ayaa ah Masuul abaal badan kuleh Dowladnimada Soomaaliya iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed