Konton qof oo Mudaaharaadayey oo lagu xiray Kismaayo iyo Cakirnaan taagan.

Saakay waxaa Magaalada Kismaayo Mudaaharaad ka dhigay Ehelada Odoyaal dhaqameed iyo Saraakiil ka carooday xarigii loogu geystay  Kismaayo Dad gaaraya toban ruux.

Dadkan la xiray ee tobanka ah ayaa waxaa ay yihiin kuwa hal Beel kasoo wada jeeda iyadoo labo kamida ay yihiin Saraakiil ciidan sida  Korneyn Ismaaciil Sheekh Isaaq Abaanduulaha Guutada Baarsanguuni ee Ciidanka Xooga Dalka iyo Korneel Xujeela.

Maxaa loo heystaa dadka xiran?

Dadkan ayaa loo heystaa Ciidamo ka go`ay Jubaland kuwaa oo si iskood ah u weeraray Maaalada Jamaame oo ay heeb ahaan kasoo jeedaan  taasoo ay xukumaan Alshabaab, dagaalkaas ayaa Shabaab iyo Ciidankaa  gacanta iskula tageen kaasoo sababay  dhimasho iyo dhaawac.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in arintaasi uu aad uga carooday iyadoo dadka la xiray uu maamulkiisa ka dalbaday qoryihii ay siteen Ciidanka weerarka qaaday in ay soo celiyaan

Hadaba Maamulka Axmed Madoobe  ayaa  xalay soo daayey lix qofood oo kamida toban ka qofood ee uu xabsiga dhigay iyadoo saakay uu Kismaayo ka dhacay Mudaaharaadka looga soo horjeedo xarIga tobanka qof hase ahaatee maamulka Axmed Madoobe ayaa xabsiga dhigay konton qofood oo hor leh kana mida Mudaaharaadayaasha..

Axmed Madoobe ayaa dhawaantan tageerayaashiisa u doorteen in mar kale uu Madaxweyne unoqdo Jubaland hayeeshee si xoogan ayaa looga horyimid iyadoo dowlada Soomaaliya ay gabi ahaanba qaadacday hanaanka Doorashada loo maray.

kacdoonka ka bilowday Kismaayo ee Mudaaharaadka lagu muujiyey ayaa noqon kara mid sii balaarta madaama Maamulka Axmed Madoobe ay ka go`an tahay in ay gacan bira ku qabtaan Dadka kasoo horjeeda.

Warbaahinta Danan

Email: info@radiodanan.com