Kala fadhiga 6-Aad ee Golaha Shacabka BFS Oo Maanta ka furmaya muqdisho

Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu waddaa Maanta Oo Arbaca ah in ay ka Furanto kala fadhiga 6’aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u furo Kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya , waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu Khudbad ka jeediyo Kulanka Baarlamaanka.
Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay amaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana saakay gabi ahaan xiran wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka