Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland oo Beeniyay xilka Qaadistii lagu sameeyay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga qaaday .

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay “xilka ka qaadista” Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in sidaas xilka looga qaaday gudoomiyihii Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga qaaday

Xilka qaadista maanta lagu sameeyay Gudoomiyihii barlamaanka maamulka puntland ayaa kuso aadaysa xili mudooyinkii danbe uu khilaaf ka dhextaagnaa madaxda maamulkaasi.