Gudoomiyaha Jalalaqsi oo ka Warbixiyay Weerar ay Al shabaab ku Qaadeen

Gudoomiyaha degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay  in ay dileen ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab ka dib markii ay wadada u galeen gaari Caasi ah oo ay la socdeen.

Maxamed nuur cagajoof gudoomiyaha degmada jalalaqsi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka 20 nin ee ka tirsan al shabaab ay timid kadib markii ciidanka dowlada ay dhaxda ugaleen gaari caasi ah oo ay la socdeen 20 ka tirsan al shabaab, sido kale na ay ka furteen 18 qori oo iskugu jira kuwo fudfuddud iyo kuwa Cul

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan Wax khasaara ah soo gaarin dhankooda,balse dhanka al shabaab ay jab ugeysteen, inkastoon wali wax war ah ka soo bixin ururka al shabaab