Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Xarumo Cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray dhismaha cusub ee Xarunta dhallinyarada degmada Wadajir iyo masjid lagu cibaadeysto oo xarunta degmada wadajir laga dhisay.

Xarigjarkan oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaana katirsan golaha shacabka barlamaanka Soomaaliyed, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir,

Xarigajarka Kadib ayaa munaasabad kooban oo ay bulshada reer Wadajir ku muujinayeen garab istaaga duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish lagu qabtay xarunta degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxman Maxamed Macalin Cali ayaa maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday dhismaha wadada Jaala siyaad ee isku xirta degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Xildhibaan Maxamud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) waxa uu sheegay in bulshada looga baahan yahay garab istaaga maamulka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu wado qorsha lagu dhisaayo wadooyinka magaalada Muqdisho.