Gudiga diyaarinta Sharciga Dooraashooyinka oo lakulmay Golaha wasiirada Galmudug

Guddiga Kmg ee Soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta la kulmay Madaxa Xukuumada Dowlad goboleedka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir.

Kulanka Guddiga ay la yeesheen Madaxa Xukuumada Galmud iyo Golaha wasiirada Maamulkaasi ayaa looga hadlay Sharciga Doorashooyinka qaranka oo uu Guddiga gacanta ku hayo iyo sida ay u arkaan Ka maamul ahaan.

Masuuliyiintii ka socday Maamulka Galmud ee la kulmay Guddiga ayaa uga Mahadceliyay Guddiga Booqashadooda Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmug.