Dhul Gariir Kadhacay Iiraan

Ugu yaraan 4 qof ayaa laxaqiijiyey in ay kudhinteen  halka 70 kalana ay ku dhawacmeen dhul Gariirka ayaa waxa  caabirkisa  lagu qiyasay 5.9waxa una   kadhacay Bariga Azerbaijan siduu Shegaay televishenka qaranka ee Iirran.

Dhul Garirkaan ayaa kudhuftay qiyaastii 60 km Bariga gobolka Azerbijan wax yar kadib 2:30 am waqtiga Gobolka.

Sawiro iyo muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa  mujinayey burbur ba,an Oo uu Geystay dhul gariirka ayadoo la arkayey shacabka oo kabaxaya Guryaha iyo baaburta si ay saameyn ugu reebin.

Mohamed Baqer madaxa mareeynta masiibooyinka Ee Gobolkas ayaa sheegay  in 8 koox Oo Gurmad ah lageeyay halka uu dhul gariirka  kadhacay si loo samata  Bixiyo shacabka.

Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa dalka iiran  uu wajahayey masiibooyin is xig xiga sanadka 2017  oo dhul gaari cabirkisa uu aha 7.3  uu kadhacy gobolka kermansha oo ay ku dhinten 600 oo qof halka sanadaha 2012 iyo 2015 ay ku kala dhinteen 300 iyo 600 oo qof .dhul gariirkii ugu badnaa dalka iiran ayaa cabirkiisa waxa uu  ahaa 7.4 kaas oo dhacay  waqooyiga iiran sanadki 1990 taas oo ay kudhinteen 40,000 qof waxana ku dhawacantay 300,000 oo qof  Nus milyan ayaa guryahoodii ka Burbureen waxaa sidoo kale ku burburay 2000  oo tuulooyin ah.