Dhageyso:- Musuqmaasuq lagu Saameeyey Qaar kamid ah dadkii ay fatahaaduhu Saameeyeen

Qaar kamid ah Qoysaska degan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kana mid ah dadka ku go’doosan fatahaada uu sameeyey biyaha wabiga shabelle ayaa ka Cabanaya in musuqmaasuq lagu sameeyey gargaargii dhawaan dowlada ay gaarsiisay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Dadkaan ayaa mar ay wareysi siinayeen idaacada danan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan musuqmaasuq lagu sameeyey gargaar loo qeybiyay dadkii ay saameeyeen fatahaada wabiga shabeelle iyagoona sheegay in loo sheegay in aysan wax ku laheen gargaargii halkaas la geeyay

ugu dambeyn dadkan ayaa dowlada,hay’adaha Caalamka iyo Ganacsatada ka Codsaday in ay ku dulmanyihiin magaalada Baladweyn Gargaarna lala soo gaaro.