Deg Deg: Cabdixakiin dhoobo Gudoomiyaha Baarlamaanka puntland oo Xilkii laga qaaday

waxaa mudooyinkii danbe uu khilaaf dhextaagnaa Maamulka puntland iyadoona xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay mooshin ay ka keeneen gudoomiyaha 1aad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Maanta oo khamiis ah ayaa xubnaha Golaha wakiilada puntland wax ay kulan kuyeesheen magaalada garoowe  xildhibaanada ayaa ka dooday mooshinkii dhawaan ay ka keenen Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee puntland. waxa ayna ansixiyeen mooshinka laga keenay Gudoomiyaha baarlaamka. waxaa Gudoomiyaha xilka ka qaaday 49 mudane, Halka ay ka aamuseen 4 mudane.