Baaritaanno Amni oo laga sameeyay Magaalada Boosaaso

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalka ayaa ahaa mid lagu baarayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan waxay sidoo kale Ciidaamadu ay Gaadiidka ka fiiqayeen bacaha Madow ee gadiidka ku xiran ee bensolka loo yaqaaano,waxaana guud ahaan laga sameeyay Xaafadaha Magalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Xuseen Cali Maxamed ayaa sheegay in ay howlgalo ka wadan Magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu xajinayo amniga Magaaladaasi.

Dhanka kale goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay dadku wareysanayeen, islamarkaana qofkii ay ka shakiyaan weydiinayeen cidda taqaanna, hadii la waayana lagu darayey dadka la qabanayo si loo baaro.