Ardayad Mareykan ah oo soo saartay jaakad lagu magacaabo (Like-A-Hug Facebook Vest)

Jaakadan ayaa wadato qalab ogolaanaya in aad ku xiriiriso Facebookaaaga, kadibna aad geshato, waxa ayna kaa caawinaysaa hadii Post, Video ama Sawir aad gelisay Facebookaaga uu qof kamid ah asxaabtaada Saaro Like, waxa isku imaanaysa Jaakada o sida qof Hab kusiinaayo ama laabta ku gelinaayo ayaad dareemeysaa, taas oo ay sheegetay in ay abuurayso Naxariis uu qofku ka helayo saxibkiisa Like-ta usaaray.
Seenisyahano arintan baaray, waxa ay kadigeen in ay halis abuuri karto jaakadan, oo qofka isaga oo aan filaynin jaakadda mar qura hab siiso ay macquul tahay in cabsi ama naxdin ay ku abuurto.
Hadaba adigu fikir ahaan makula tahay in loo baahanyahay Jaakadan? adiguse ma isticmaali lahayd. Maxay Faa’iido ah ayay soo kordhin kartaa?.
W/T:- Alifoow Yare