Akhriso Faallo: ‘Maamul Macmaleedka Madoobe MA Mahadin Doono Mucaaradka iyo kiinya’

Muddaba waxa uu muran ka taagnaa hanaankii Doorasho eek a dhacday Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubba Land taasoo sida la wada qiray aan ahayn Doorasho ku dhacday Xaq iyo Xalaal isla marnaa aan loo marin Nidaamkii Doorasho iyo Hanaankii Doorashada furan

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa isagu gacantiisa ku maamulay Doorashadaas isagoo dejiyay Nidaamkii Dooreasho ee Macmalka ahaa ee halkaa ka dhacay.

Madoobe oo keliya ma ahayn isla maalintaas Madaxdii ku dhawaaqday in ay yihiin Madaxweynayaal waxaana jiray illaa Laba ama Seddax Doorasho kale oo Macmal ah oo halkaa ka dhacay iyadoo aanay goob jog ka ahayn Xuykuumadda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo waajibkeeduy ahaa in Dul joogto ahaan ay halkaa u tagaan.

Natiijadii Doorashooyinkaas kaddib ayaa waxaa si wadajir ah baaqyo uga soo baxeen Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka kuwaasoo cadeeyay in aysan aqoonsanayn aqoonsan doonina Doorashooyinka la sheegay in ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Axmad Madoobe ayaa dhamaanba dhegaha ka furaystay baaqyadii loo soo jeediyay isagoo Taageero ka helaya Dalal Ajaaniib ah oo ku taageersan inuu isagu halkaas gacanta ku haya isagoo dhinaca kalena bilaabay in Cadaadis iyo caga uglaynba  u soo jeediyo cid kasta oo tiraahda Doorashadaasu ansax ma aha.

Xukuumadda Keenya oo Dano gaar ah ka leh Ciiddaa iyo Biyaha Soomaaliya ayaa waxa ay Ol-ole u gashay sidii Hoggaamiyahaasi ay ugu taageeri lahayd sheegashadiisa inuu yahay hoggaamiyaha Maamulka Jubba land, taasoo ka caraysiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Xayiraad ku soo rogtay Duulimaadyada ka yimaada dhinaca Kenya  ama Muqdisha ka taga si loo muujiyo in Maamulka halkaa isku magacabay inuusan ahayn mid Sax ah.

Xukuumadda ayaa amar ku bixisay in Duulimaad walba oo Kismaayo tagaya inuu soo maro Muqdisho amarkaas oo hay’adda Duulista Hawada ay ku baahisay Caalamka si loogu Hoggaansamo amarkaas lagu Xakamaynayo mashaakilaadka ka soconaya maamulka Jubba lanad oo jah wareer Siyaasadeed Majaha la galay.

Waxaa wax looga xumaado ah iskaashiga dhex maray Xukuumadda Kiinya iyo Rag hore Siyaasadda ugu Fashilmay ka gadsaal markii laba Guddoomiye Goboleedyo hore ay si ula kac ah ugu xad gudbeen amarkii Xuukamaddu ka soo saartay in Diyaarad aan Muqdisho soo marin aanay tegi Karin Magaalada Kismaayo kuwaasoo si bareer ah u jabiyay amarkaasi ka gadaal markii labadaas Barasaab hore ay Todobaadkii hore Diyaarad ka soo qaaday Magaalada Nayroobi oo Xukuumadda Kiinya ay soo ay ka degatay Magaalada Kismaayo.

Labadaas Barasaab oo hore Baraabsayo uga soo noqday laba Gobo loo Gobolada Soomaaliya ka mid ah ayaa maanta Ceeb iyo Weji gabax dhex fadhiya ka gadaal markii ay socon weyday Riyadii Madoobe oo ahayd inuu qabanayo Xaflad lagu Caleema saarayo taasoo fashil iyo dib u dhacyo badan ay la soo gudboonaadeen.

MAAMUL MACMALEEDKA MADOOBE MA MAHADIN DOONO MUCAARADKA IYO KIINYA taasina waxaa u daliil ah Dacwaddii ay arrintaa ka gudbisay  Dawladda Soomaaliya oo keentay in Cadaadiskii Xukuumadda iyo Beesha Caalamkuba ay ka hayeen  Maamulka Madoobe uu horay u sii socon waayo Caleema Saarkii la sheegayayna uu Mugdi sii galayo iyadoo halkaasi ceeb darteedna ay la yuuraraan Mucaaradkii is lahaa Fursad halkaa kaga hela Kiinya loogu gacan geliyo Biyaha Soomaaliya

Si kastaba Mucaaradnimadu ma aha in heerkaas ay gaadho Sharaftaada iyo Qaddiyadda Waddaniyadeedna Dano gaar ah aad ku ilowdo dhibse ma laha Damaca Siyaasadeed ayaa waxaa uu sababaa in Ruuxu ay ku xanbaarto wax badan oo laga Xishoodo.

Guntii iyo Gunaanadkiina  Kiinya ha ogaato meel walba oo ay keento iyo Xeelad kasta oo ay u adeegsato Damaceeda Biyaha Soomaaliya inaanay u meel marayn ama Dhuuni qaatayaal ha adeegsato ama Danaystayaal kaleba ha adeegsatee, Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ku baraarujinaynaa in Xukuumadda Kiinya waxa ay u dig iyo dam leedahay inaysan wax kale  ahayn keliya ma ahee sidii Dacwadda aan ka gudbanay loo joojin lahaa iyo sidii aan Biyaheena Sulx iyo Xeer jab jab aan ka geli lahayn, taasina ma dhacayso ee Kiinyooy Riyada ka toos .Soomaali baa nala yiraah oo Xoog iyo Xeelad waxaad keentaba aan kaa cabsoo.