Akhriso Faallo:- Madaxweyne Farmaajo Ma Fahamsan yahay Fashilkii Ruushku Uu Fashiliyay Soomaaliya  

Kaddib Xuriyaddii Soomaalida intii ay jireen Dawladihii Radiyadka ahaa, waxaa jiray Tartan Siyaasadeed oo ay wadeen Madaxdii Xiligaa Talada  Dalka gacanta ku haysay kuwaasoo qolaba ay Xarigga Dhan u jiidaysay, kuwo u xaglinayay Dhinicii Reer Bariga iyo kuwa iyaguna dhankooda Xarigga u jiiday dhinaca Reer Galbeedka.

Sababaha berigaa keenay in labada Gaashaan buur ee Dunida ka jirtay ay tartan u galaan sidii qolo walba qolada kale ay uga soo jiidan lahayd Taageerayaal ayaa waxa ay qayb ka ahayd Dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay labada Gaashaan Buur.

Midowgii Suveti ee Xiligaa jiray ayaa si weyn u danaynayay Cilaaqaad uu la yeesho Soomaaliya si uu halkaa uga samaysto Saldhig Ciidamadiisu ay ka kontoroolaan Marin Biyoodka Baabul Mandab loo yaqaan si halkaas awood badan uu ugu yeesho.

In kastuu jiray xiriir aan sidaa u weyneyn ee u dhaxeeyay Siyaasiintii Soomaaliyeed ee Xiligaas iyo Dawladdii Ruushka ayaa haddana wuxuu Xiriirkaasi mar  qura Hawada isku shareeray markii Taladii Dalka ay la wareegeen Ciidamadii Qalabka siday kuwaasoo si aad ah ugu dhawaaday Xukuumaddii Shuuciyada ahayd ee Midowgii Suufeeti.

Xiriirkaas labada dal dhex maray ayaa wuxuu keenay in Ruushku si weyn u qalabeeyo una dhiso Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo markaasina ogolaaday in Dalkiisa Tababar loogu qaado Saraakiisha Ciidamada Millateriga si halkaas ay ugu soo bartaan Qalabka uu Ruushku farsameeyo oo markii danbe noqday Qalabka ugu badan oo ay Ciidamadu Adeegsadaan.

Xiriirkii Ruushka iyo Somaaliya ayaa cirkaa maray illaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu noqday Ciidanka looga baqo quwaddiisa ka sokow Qaaradda Afrika Mandiqaddan Geeska Afrika taasoo ugu danbayntiina keentay in Soomaaliya kala bar ay Xoreyso Dhulkii loo yiqiin Soomaali Galbeed.

Si kastaba Dawladdii Ruushka ayaa Ballantii uga baxday Soomaaliya ka gadaal markii si lama filaan ah ay ula soo safatay Dhinicii kale eek a soo hor jeeday Soomaalida isagoo garabsanaya Ciidamo ka socday Gaashaan buurtii Waarso.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda Xiriirkii u jartay Midowgii Suufeeti iyadoona u qabatay Saacado kooban in Ruushku Dibulumaasiyiinta uu kala baxo Soomaaliya.

Ugu dambayntii Dawladdii sidaa inoo xumaysay in maanta Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tago arigtideenu waa in uusan fahamsanayn Fashilkii uu Ruushku Fashiliyay Soomaaliya.