Akhriso Faallo: Biyaha Roobka Ee Buux Dhaafiyey Qaybo Ka mida Magaalada Muqdisho Yaa ka Mas’uul ah?

Sida aan la socono waxaa la galay Xilligii Roobabka Deyrta oo ka bilowday Dalka qaybihiisa kala duwan gaar ahaan Magaaladan Muqdisho oo xilligan ka da’ayaan Roobabka Deyrta kuwaasoo saameyn kala duwan ka gaystay Xaafadaha iyo Suuqyada kala duwan ee Magaaladan Muqdisho.

Xaafadaha qaarkood ayaa xilligan isu socododka Dadka iyo Gaadiidku waxa ay kala kulkmaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihii Biyo Balliyo la moodoo oo dhex ceegaaga Xaafadihii dhexdooda.

Sidoo kale Roobkii Usbuucan ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn u saameeyay Dadka Bara kacayaasha ah eek u sugan gudaha iyo Daafaha magaalada kuwaas oo aan haysan meelo ay ka gabbaadsadaan Roobabka xilligooda marka lka gaaro waayo Guryaha ay deggan yihiin ayaa ah kuwo ka samaysan Baco iyo waxyaabo kale oo aad u nugul

Roobka Todobaadkii hore ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaloo uu saameeyay waddooyinka bur bursan ee Magaalada qaarkood halkaasoo gaadiidkii mari jiray ay shaqada ka fariisteen iyagoo ka cabanaya in waddooyinkaas aan xiligan la mari Karin sababtuna ay tahay Godadka ka qodan oo Biyuhu u qarinayaan darted in Gaadiidkoodu uu jabo.

Saameynta ma aha mid qormo keliya lagu soo koobi karo oo waxaa jira Xoogsato u Xamaali tagta Suuqyada kala duwan ee Magaalada ha yeeshee maalintii uu Roob da’o sidaa shaqo la’aan ay ku qabato guryahoodana isaga Nagaada.

Intaas oo kelkiya ma aha Saameyntii ay reebeen Roobabkan horraantiisa da’ay, waxaana jira Gaadiid u badan Mootooyinka Falconka Vespaha iyo kuwo kale in Biyihii Roobku qaadeen kaddib markii ay ku dhufteen Daadad soo rogmaday oo ku dhuftay goob ay yaaleen Gaadiidkaas.

Arrinta ugu daran ee Saamaynta reebtay ayaa waxa ay tahay Nadafaad xumo darted in durbaba meelaha qaar ay ka dhalatay Kaneecada taasoo halisteeda Caafimaad wadata, sidoo kale Caruurta ku dhaqan xeryaha bara kacayaasha qaarkood oio duraba ay soo wajahday Cuduro ay ka mid yihiin Burukiitada iyo Shubanka oo badaanaa loo aaneeyo in ay ka dhashaan meelaha ay fariistaan Biyaha halkaasoo Caruurtu ay ku ciyaaraan amaba ay cabbaan Biyahaas wasakhsayn sida dhacda mararka qaar.

In kastoo aan ka soo hadalnay Saameynta Roobka iyo waxyaabaha uu sababay haddana su’aasha is weeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay BIYAHA ROOBKA EE BUUX DHAAFIYAY QAYBO MAGAALADA MUQDISHO KA MID AH YAA KA MAS’UUL AH? Dabacan Mas’uuliyaduhu waa mid la wada wadaago ama wadareed cid siu gaar ah loogu saarinayo ma jirto, waxaanse shaki ku jirin in Mas’uuliyadda koowaad ay qaadanayso Dawladda Federaalka Soomaaliya, marka xigana Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo ugu danbayn Shacabka qudhiisa oo qayb ka ah Mas’uuliyadda.

Dawladdu iyadaa Mas’uuliyadda qaadanaysa maxaa yeelay iyadaa Dalkan iyo Dadkiisaba ka mas’uul ah, wixii dhibaata ah ee ka dhacana iyadaa dhabarka u ridanaysa maxaa wacay iyadaa u dhaaratay in Shacabkeeda ay u shaqayn doonto, marka xigana waxaa Mas’uuliyadda Xanbaaranaya Dawladda Hoose ee Waajibkeedu ahaa in ay dajiso qorshe ku aadan Nidaaminta Xaafadaha, Suuqyada iyo Waddooyinka Magaalada ha yeeshee adeegyadii Bulshu oo Dawladda Hoose looga fadhiyay oo meesha ka maqan ayaa mas’uuliyad darada ka mid ah.

Shacabka ayaa iyaguna dhankooda Eedda wax ka qaadanayo sababtoo ah qof walba oo Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Guri ku leh ayaa wadadii soo ciriiriyay ama Biro ku xirat taasoo Gaadiidkii iyo Dadkiiba ay waddooyinkii ku yaraadeen

Si kastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga Fadhiyaa inuu Xal u keeno Biyaha Balliyada la moodo oo Magaalada Waran isla markaana dib u eegis lagu sameeyo hab dhismeedka Magaalada oo ay Dadku wax badan ka bedeleen Nidaamkii Magaalada lagu yiqiin.

Ugu danbayntiina Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Muqdisho qudhooda ayaa looga fadhiyaa sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Bilicda iyo quruxda iyagoo adeegsanaya Habka Iskaa Wax u qabsao oo haatan loo bixiyay is xilqaan.