Akhriso faallo: Beeraleydii  Dalka Kiinya ee Beeran Jirtay Dalagyada kala Duwan oo Haatan Joojisay

                            

In badan Shacabka Soomaaliyeed  waxa ay ka dheregsan yihiin Cadaawadda ay Keenya u hyaso Umnmadda Soomaaliyeed taasoo Dagaal qarsoon iyo mid muuqdaba kula jirta Soomaaliya.

Dagaalka qarsoon marka aynu ka hadlkayno Kiinya waxa ay Soomaaliya ku haysaa Dhibaatooyin Dhaqaale iyadoo ugu horeynba Xayiraado Saartay Badeecooyinka ka taga gudaha Soomaaliya ee tagaya Dalka Kiinya, halka dhankeeda maalin walba ay u soo dhoofiso Qaad ay kaga bedelanayso Malaayiin Lcaga adag ah.

Ka Sokow Dagaalka Siyaasadeed ee ay waddo Xukuumadda Kiinya oo Ujeedada ka danabaysa ay tahay sidii ay ku xalaalaysan lahayd Biyaha Soomaaliya oo waayadan  danbaba ay aad ugu hawlaneed tallaabo kasta oo lagu baajin karo Dacwadda iminka hor taala Maxkamadda Caalkamiga ee ICJ.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii Soomaaliya ay Magaalada Heeg u gudbisay Dacwadda ka dhanka ah Kiinya oo doonaysa in ay boobto Biyaha Badda ee Caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya, waxay ay bilowday tallaaboyin kala duwan oo Geed Dheer iyo Geed gaabanba ay u kortay sidii ay ugu guulaysan lahayd Damaceeda ah in Dacwaddaas Soomaaliya ay ka noqoto si arrintaa loogu dhameeyo wada hadal iyoo Xeer Ja jab taasoo markii ay shaqayn weyday isku dayday in ay kasbato Siyaasiin Soomaali ah oo danaheeda u dhega Nugul.

Dhan kale marka aan ka eegno Dagaalka Xirfadeysan ee Kiinyaanku Soomaalida la damacsan yahay, waxaa ka mid ah in Beeraleydii Miraha Beeran jiray ee Dalkaasi in ay joojiyeen Dalagyadii kala duwanaa ee ay beeran jireen iyagoo wax soo saarkoodii u jiheeyay dhinaca  wax soo Saarka ee Qaadka oo Suuqa ugu weyni oo ay u hayaana uu yahay Soomaaliya oo ah meelaha ugu badan oo Qaadku uga yimaado Kiinya.

War bixino la helay ayaa  sheegaya in Beeralaydii Dalkaasi oo ka ganacsan jiray Dalagyada ay ka midka yihiin Galleyda, Digirta iyo wixii soo raaca in haatan ay u wareegsanayaan sidii ay u beeri lahaayeen Qaadka ugu Daroogada badan ee la yiraahdo  {- MAGUUKU- } kaasoo sida war bixintu qeexday ah Maan-dooriye aad u khatar ah.

Beeralaydan oo hadashay ayaa sheegay in sababta ay u joojiyeen Beerashadii Dalagyada kala duwan ay in in Qaadku uu kharash badan yahay Mirahaas ay iminka beeraan, sidaa darteedna ay wax soo saarkoodii u weecinayaan dhinaca soo Saaridda Qaadkaa Maguunku.

War bixinta ayaa intaa sii raacisay  in Beeralaydan ay sii qorsheysanayaan in waxa ay soo Saraan oo Daroogo ah in Soomaaliya ay u Iib geeyaan.

Waa Dagaalada ay Xukuumadda Kiinya ugu tala gashay Soomaaliya in dhaqaale ahaan, Siyaasad ahaan iyo Jiritaan ahaanba ay kula Dagaalanto si xeeladaysan.

Mar haddii Sheekadu halkaa marayso waxaa Shacabka Soomaaliyeed la gudboon in ay ka feejignaadaan Dhagaraha iyo Dibin daabyooyinka ay Kiinya la damacsan tahay Soomaaliya oo ay ku doonayso in ay ku baabi’iso Dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba.

Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan waxaa dhankooda la gudboon in ay ka taxadaraan Qiyaanooyinka  ay Hormuudka ka yihiin Ganacsatada Reer Kiinya oo ay Xeeladaha ay samaynayaan kuwo ka sii casrisan ay kala hor tagaan, habka ugu wanaagsan oo arrintaa looga hor tegi karana waxa ay tahay in la joojiyo dhammaanba wixii dhinaca Kiinya naga soo gala maadaama ay iyaguba ay joojiyeen Xadkoodana ay Xayiraad ka saareen Badeecooyinkii dhinaca Soomaaliya uga gudbi jirtay iyadoo loo sii raacinayo in gebi ahaanba meesha laga Saaro Qaadka nooga yimaada xageeda  Dhaqalaha buuranina uu nooga baxo.

Si kastaba Kiinya waxa ay doonayso iyo sida ay ula dhaqmayso Ummadda Soomaaliyeed ayaa ah wax aan loo dul qaadan Karin, Soomaalidana aad noodo in Sabirkoodu iyo dul qaadkoodu uu badan yahay.

Ugu danabayntiina  Kiinya ha ogaato in Dul qaadku Xad leeyahay haddii ay sidaa wax ku sii waddana uu dhammaan dul qaadka Ummadda Soomaaliyeed oo haatan maraya heer soo jeeda oo indhaha ku haya falalka Kiinya ay waddo.