5ta Caadi dhaqameed ee ugu yaabka badan Caalamka, xilliga #Arooska.

1. Dhammaan martida kasoo qeyb gasho Arooska looma ogola in qof uu qoslo, marka laguursanayo gabar kadhalatay qabiilka Lathow ee Koonfur Afrika, hadii qof kamid ah martida qoslo waxa la go’aaminayaa in arooska dib loogu celiyo waxa ayna aaminsanyihiin hadii laqoslo in aroosku yahay mid qiyaali ah.
2. Qowmiyad degta Dalka Ruushka, xilliga arooska waxa la keenayaa Cake ama Doolsho sweet leh waxana la agdhigayaa arooska iyo aroosadda oo loo qabanayo 10 daqiiqo oo laga doonayo in iyaga oo aan gacmaha isticmaalin afka ku kala booba hadii ay dhameyn waayaana waxa laga tala baxaa arooskooda oo gabi ahaan lagu kala kacaa.
3. Magaalo katirsan dalka Hungry lamaanaha marka ay isguursadaan waxa loo dhiibaa Miinshaar wayn oo ay labada dhinac kaqabsadaan geed weyn ay kujaraan ilaa ay ka gooyaan looma ogola in qolka caruuska ay galaan.
4. Shyewee waa qabiil dega waqooyiga Shiinaha, marka ay habeeneyda guursadaan ilaa 5 bilood looma ogola in xitaa Bikeeri ay dhaqdo dallada waa loo qabtaa dad shaqaalo ah ayaana u qubeynaya oo looma ogola in iyadu waxyar qabato.
5. Dalka Muzanbique qabiil dega xilliga arooska, ninka arooska waxa uu marayaa 7 saacadood oo Imtixaan ah, xarig la tidcay oo geeso xayawaan lagu xiray aya lagu garaacaa, dab ayaa gacanta lagalaayaa oo uu kala soo baxaayaa dhimbil, carabkana waxa loogu duraayaa cirbad, hadii uu adkaysto waxa lasiinaayaa Gabadha.
Hadaba dhaqankee kuula yaab badan.
Fadlan ilali xaquuqda qoraalka.
W/T:- ALIFOOW YARE.